(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Dagaal Aad U Xoogan ayaa Maanta ka Dhacay deegaan hoos Taga degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Sida ay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom U Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar culus ku qaadeen Ciidamo dhaq dhaqaaq ka weday wadada isku xirta Buurdhuubo iyo Garbahaarey Ee Gobolkaasi Gedo.
Dagaalkani oo socday muddo saacado ah ayaa la sheegay in uu ka dhacay halka loo yaqaan Reys-qoray waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Itoobiya Iyo waliba Kuwa Soomaalida Ah Ee Ku Sugnaa Meeshaasha ay weerarka ku qaadeen Ciidamada Mujaahidiinta Al shabaab
Sidoo Kale Waxa ay Saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin Xaqiijiyeen in ay saacadaha soo socda faah faahin ka bixin doonaan dagaalkii maanta dhacay Kaasi Oo Lagu Qaaday Ciidamada Dowlada TFG-da Iyo waliba Kuwa Ithopia Oo Is Kaashanaya.
W/D:Axmed Cabdi Axmed (Axmed Saacid)
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





