Garaash ku yaal meel aan ka fogeyn Hay’adda UNDP oo Qarax ka dhacey.

0
577

Qarax sida la sheegay gaari lagu xiray ayaa ka dhacay gudaha garaash gadiidka la dhigto meel aan ka fogeyn xarunta hay’adda UNDP,  kaa oo sababay dhaawaca ilaa afar ruux.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa lagu waramayaa in uu xalay ku baryay gudaha garaashka, hasse ahaatee saakay ayaa la maqlay qaraxa oo loo maleynayo in lagu xiray gaariga.

Saraakiil ka tirsan ilaalada hay’adda UNDP ayaa sheegay in afarta ruux ee dhaawacmay ka tirsanaayeen shaqaalaha hay’adda .

Goobjoogayaaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga uu ahaa nooca  HILUX oo Soomaalida u taqaan Qooqan.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in ilaalada xarunta hay’adda UNDP la wareegeen garaashka uu qaraxa ka dhacay, waxaana  jira dad la tuhunsan yahay oo loo soo xiray qaraxan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilii maalin ka hor labo weerar loo adeegsaday gadiidka walxaha qarxa lagu soo raray lagu bartilmaameesaday garoonka diyaaradaha iyo hotelka Peace ee magaalada Muqdisho.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak