Haweeney muhaajirad ah oo Soomaali ah ayaa dhimatay ayadoo gudbaysa xadka Bulgaria.
Meydkeeda ayaa laga soo helay Isniintii shalay ahayd meel u dhow tuulada Ravadinovo. Wasaarada arimaha gudaha ee dalkaasi Bulgaria ayaa sidaa shaacisay.
Booliska dalkaa ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay 31 tahriibeyaal ah oo aan aqoonsiyo shaqeynaya wadan Axadii.
Dadkaa ayaa sheegay in haweeney ka mid ahayd ayaga la waayay.
Badi dadkaa tahriibeyaasha ah ee la xiray waxay ka yimaadeen Afghanistan laakiin qaar ayaa ka yimid Pakistan qaarna Soomaaliya.
Booliska ayaa sheegay in haweeneydaasi u geeriyootay qabow dhiigeeda joojiyay balse waxay sheegeen in qawlkaasi kama dambeys uusan ahayn oo baaritaan dheeraad ah ay wali ku wadaan sababtii ay u dhimatay.
Labo qof oo kale oo Soomaali ah ayaa iyana dalkaa isbitaalka la dhigay kuwaasoo xubnahoodu ay qabow dartii la angageen isla markaana ay shaqada gabeen.
warsom2011@gmail.com









