Sawirka Maanta iyo AMINARTS oo aan usoo qaadaney Doorashada gud.barlamaanka.

0
877

Sawirka Maanta aan soo xulaney oo ka turjumaya Doorashada gudoonka Barlamaanka la filayo in ay bishaan horaanteeda dhacdo ayuu sawir sameeyaha caanka ah ee Aminarts waxa uu soo qaatey Sawiro iyo erayo Bulshada ra’yigeeda cabiraya waxaana Muhiim ah in qofka madaxda noqda ama doonayaa uusan u arkin in isaga si shaqsi ah wax looga sheegayo,uuna ku beenin karo baraha bulshada wax ka qorey hadii uu ka jawaab celinayo.

Aminarts ayaa soo qaatey Nin xubnaha barlamaanka leh ii doorta Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya kaas oo uu Magaciisa dhabarka kaga qorey iyadoo uu Sawir sameeyuhu dhabarkiisa dhigeyNin kale oo shacabka metelaya kaasoo intuu shaatigii kor uga feydey muujiyey Funaanad u eg Calanka Itoobiya isagoo raba in uu xubnaha barlamaanka tuso waxa uu Ninkani hoosta ka rimanyahey.

Sawirka sadexaad ee Aminarts soo qaatey ayaa ah koox dad ah oo sawirsameeyuhu ula jeedo in ay xildhibaanadii Barlamaanka yihiin waxna la tusey iyadoo qaarkood afku labo taako noqdey lana yaabey waxa Musharaxa ay u malleynayeen iyo waxa kasoo if baxey halka qaar kalena oranayaan war kuwaani wey nagu bateene yaa naga qabta,taas oo micnaha dulucda sawirku noqoneysa mid u dar daar werineysa ama tusineysa Xildhibaanada qaranka u dhaartey in ay ogaal u yeeshaan qofka ay dooranayaan iyagoo ka ka eegaya danta guud ee aan u xilaneyn DHaqaale,Mansab,Xigto midna maadaama aan aakhiro cidina Godka ama Qabriga kula geleyn laaluushna uusan halkaa ka shaqeyneyn.

warsom2011@gmail.com

sawirka-aminartssawirka-aminarts

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak