Xildhibaanada Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi oo markale dib u bilaabatey.

0
587

Kaddib todobaadya hakad uu ku yimid doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi, ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ka sii socto magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Doorashadan ayaa waxaa ka mid noqon doona xubno xilal waaweyn ka soo qabtay dowlada Soomaaliyam waxaana ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore islamarkaana aheyd wasiirka arimaha dibada  Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo seddex musharax oo kale, waxaana la ogeyn cidda kusoo bixi doonta.

Waxaa  lagu wadaa in Fowsiyo ay la tartanto musharixiinta kala ah Caasha Aadan Yuusuf, Qaasim Ismaaciil Axmed iyo Ismaaciil Xasan Jaamac.

Kuraasta kale ayaa sidan loogu tartami doonaa :

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:

  1. Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’isal Wasaare Ku Xigeen hore.
  2. Baarliin Xasan Qalinle.
  3. C/fitaax Ismaaciil Daahir.
  4. Shukri Faarax Cilmi.

Kursiga Saddexaad ayaa Waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah:-

  1. Faadumo Cusmaan Nuur.
  2. Muuse Ismaaciil Jaamac.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ama gollaha shacabka ee gobolada W/qooyi ayaa mareysa heer gabagabo ah, waxaana la filayaa in la soo dhameystiro ka hor doorashada guddoonka gollaha abarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana hadda harsan illaa 7 kursi iyo 11ka aqalka sare waxaana dhawr jeer hakad ku yimid doorashada xubnaha labada aqal xubnaha u meteli doona gobolada W/galbeed iyadoo sabab looga dhigayo fara gelin dhanka m/tooyada iyo xukuumada waqtigoodu idlaadey oo gacan bidixeyn ku haya sida ay sheegayaan illo xog ogaal ah oo arimahaas u dhuun daloola.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak