Magaalada B/weyne oo ganacsade Caan ah Goor dhaw lagu diley.

0
607

Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Beledweyne ku dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Bocor Axmed, sidda HOL u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in lagu dillay galbeedka magaalada Beledweyne meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee lagu kala iibsado xollaha, waxaana dilkiisa lala xiriirinayaa aargoosi salka ku haya colaada u dhaxeysa labo beellood oo wadda dega xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Maalin ka hor ayaa siddan oo kale rag hubeysan toogasho ugu geystay dulleedka dhinac galbeed ee magaalada qof rayid ah oo lagu sheegay in uu ahaa macalin dugsi Qur’aan.

Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ayaa marar badan hore waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya labo beellood oo salka ku haya dilal siyaabo kala duwan loogu geystay siddan oo kale dad rayid ah, waloow dagaalladaa ay ka danbeeyeen kulamo lagu hishiisiinayay labada dhinac, haddana waxaa wali muuqata in colaadii  labada beellood wali dhamaan.
Illaa iyo hadda lama oga cidda ka danbeysa dilkan lamana aqoonsan ragii hubeysnaa ee dilka marxuumka ka danbeeyey waxaana sida la sheegayo la wadaa baaritaano iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagar qabayaasha sida gardarada ah ku diley allaha u naxariistee marxuumka maanta la diley.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak