Taliyaha Hogaanka howlaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cali Xirsi barre Cali gaab, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyey Warar been abuur ah oo ay baahiyeen qaarkamid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo ku saabsanaa in kabadan 300 oo Askari oo booliska ka tirsan in Shaqada laga eryey arrintaas ayuu Taliyaha ku tilmaamay mid been abuur ah oo sal iyo raad midna aana laheyn.
Gen Cali Xirsi barre Cali gaab Taliyaha Hogaanka howlgalinta ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Askarta Liiska Shaqada laga saaray aysan aheyn kuwa Shaqeynayey oo u taagnaa Howlaha Ciidanka balse ay ahaayeen kuwa mar hore iskood iskaga tegay shaqada.
Booliskan shaqada laga eryey ayaa waxaa la sheegayaa in markii horeba ay ahaayeen intooda badan kuwo been abuur ah oo lacago lagu qaadan jirey magacyadooa,hadana lagu sheegey in shaqadii laga eryey ama la ruqseeyey.
Warbaahinta ayuu u sheegay in ay hubsadaan Wararka ay baahinayaan ,waxuuna Xusay in Taliska Booliska uu diyaar u yahay mar walbo in uu soo gudbiyo hadba marxaladaha jira ee ku saabsan Booliska.
warsom2011@gmail.com









