Koox Burcadbadeed Ah Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Hayaan Mrs Judith Tebbutt

0
615

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Maalintii shalay ayaa Koox Burcad Badeed ah waxa ay ku dhawaaqen in ay gacanta ku hayaan haweenaydii dalxiiska ku jirtey ee laga soo qafaashey xeebaha dalka Kenya

Habeyneydaani Oo Lagu Magacaabo Mrs. Judith Tebbutt, waxaana ay sheegeen in ay ka soo gateen oo madaxfurasho siiyeen koox xiriir la leh al-Qaacida oo sida hadalka ay u dhigeen, kuwaas oo markii hore gacanta ku hayay.

Qoftani oo dhegaha aan si wanaagsan wax uga maqaleynin islamarkaana 56 jir ah, ayaa kuwii afduubtey dileen David Tebutt oo ah saygeedi 58 jirna  ahaa iyadana ka soo kaxaysteen.

Socdaal Siciid oo ah Mrs. Judith Tebbutt nin Iminka gacantiisa ay ku jirto ayaa yiri “Judith Tebbutt waxa ay ku jirtaa gacmahayaga, waana nabad qabtaa caafimaadkeeduna waa waa heersaro aadbeyna u fiicantahay”.

Mararka Qaar ma seexato, laakiin waa qof awood badan waxa ayna aad u doonaysaa in la sii daayo oo ay ku laabto gurigeedi Xuriyadna ay Hesho”

Dhawaan ayaa waxaa loo maleenayay in Judith ay afduubteen koox ka tirsan al-Qaacida isla markaana ay dileen odaygeedi David, xeeb aad ugu dhaw xadka Soomaliya.

Sidoo kale waxaa la tilmaamey in ay dhici karto in ay afduubteen Xarakada al-Shabaab Laakiin Burcadbadeed Socdaal ayaa diidey in ay wax xiriir ah la leeyihiin Al-shabaab waxaana uu yiri anagu ma nihin al-Shabaab waxaan nahay burcadbadeed caadiya kuwaas oo raba lacag.

Dhanka kale  Wararka Qaar ayaa Shegaya in Judith Tebbutt  lagu hayo gobolka Galguduud meel ka mid ah halkaas oo horey loogu hayn jirey Paul Rachel Paul and Rachel muddo 13 bilood ah lana sii daayey markii la baxshey lacago aad u badan.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com