Madaafiic caawa leysku weydaarsadey magaalada Gaalkacyo iyo eedeymo ay isu jeedinayaan dhinacyadii maanta heshiiyey.

0
385

Iyadoo maanta la sheegey in heshiis lagu gaarey Gaalkacyo kaas oo ay goob joog ka ahaayeen ergeyga wakiilka QM Meachel Keeting,RW Cumar C/rashiid,madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iyo saraakiil kale oo ka socdey Africa iyo Igad.

Maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa duqeymaha kadib midba midka kale ku eedeeyey in uu soo weerarey oo madaafiicda billaabey waana dhaqan lagu yaqaan in heshiis walba oo la gaaro uu jsbiyo kii markaas u arka in aaney dani ugu jirin isagoo adeegsada madaafiic lagu weeraro dadka shacabka ah.

Heshiiska maanta la gaarey oo la jebiyey raadkiisii oo qoyan ayaa imaanaya iyadoo mid kan la mid ah dhawaan lagu gaarey dalka Emaaraadka Carabta oo ay waxba ka fulin labadaba ayaa waxaa leys weydiinayaa cidda ka danbeysa Colaasan demi weydey ee Gaalkacyo ka oogan.

Saraakiisha kala hugaamineysa dagaalka ayaa wali warbaahinta isu marinaya hanjabaado iyo cabsi gelin iyagoo dhegaha ka fureystey hedhiisyada iyo baaqyada ka imanaya bulshada qeybaheeda kala duwan,mana aha markii ugu horeysey ee jabo heshiis iyo xabad joojin dadka dhegahooda kusoo dhacey.

Wixii kusoo kordha xaaladda agaalka Gaalkacyo waxaan idiinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socda ee shabakada WARKA WARSOM hadii allaha adooda lihi ogolaado.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak