Mashruuc Dhaqan Celin Loogu Sameenayo Caruurta Darbi Jiifka Ah Oo Ka Bilowda Magaalada Boosaaso

0
676

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Magaalada Boosaaso Ayaa waxaa ka soconaya Olele lagu uruurinayo Caruurta derbi jiifka ah ee aysan eheladoodu joogin amase ay geeriyoodeen iyo dadka kale ee amniga guud ee bulshada khatarta ku keeni kara.

Olalahaani oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP iyo  NGO-ga KMC ayaa waxaa sidoo kale diwaan gelinta iyo ururinta dadkan ka qayb qaadanaya qaar kamid ah waxgaradka iyo Nabadoonada Ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Caqaadir Axmed Ibraahim (xarago) Gudoomiyaha nabadoonada gobolka Bari oo isgu qayb ka ah waxgaradka ku howlan uruurinta Caruurta derbi jiifka ah iyo dadka Amniga bulshada khatarta gelin kara ayaa sheegay in ujeedada barnaamijka looga gol leeyahay ay tahay sidii dhaqan celin loogu samayn lahaa xirfadana loogu samayn lahaa Ciyaalkaani Iminka Duruuf Xumida Ku nool ee Jiifta Darbiyada Iyo waliba Meelaha Qashimada

Waxa uu Sidoo Kale sheegay in dadka dhaqan celinta loo samaynayo intooda badan laga soo kala uruurin doono kaamamka Barakacayaasha ee magaalada Boosaaso

Barnaamijkaani Oo lagu wado in uu socdo mudo 6 bilood ah ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dad ay tiradoodu gaareyso 550-Qofod kuwaas oo 300 oo kamid ahi ay yihiin caruurta da’doodu ay ka yartahay 15ka sano ,

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com