Xisbiga MJS Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho Kana Soo Saaray Qodobo Muhiim Ah

0
532

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Shir ay isugu yimaadeen Masuuliyiinta xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyed uuna Shir  gudoominayey kusimaha m/weynaha xmjs c/nur darman ahna gudoomiye Ku xigeenka xmjs Cali Maxamed Nuux (Tima jilic) ayaa waxaa looga Hadley Qodobo Dhowr ah

Qodobada Ay Maanta Ka Shireen Masuuliyiinta Xmjs ayaa waxaa ka soo baxay qodobo taabanaya dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen kuwan

:Xmjs/ usrp wuxuu mahad baahsan u celinayaa dhamaan hey’adaha NGO-yada iyo
somalida gudaha iyo debeda,shaqsiyaadka gacanta ka geystey gargaarka
gurmadka abaaraha somaliya.

Xmjs wuxuu sidoo kale mahad u celinayaa dawladaha muslimka
walaalaheena ah ee iyaguna gacanta ka geystey abaaraha somaaliya gaar
ahaan Dowladaha Turkiga, Maleysia, Imaaraatka, carabta, Kuwait iyo Qadar
anagoo rajeyneyna in ay halkaas kasii wadaan Shaqada ay iminka U Hayaan Shacab Soomaaliyeed

.Xmjs wuxuu soomaalida ka codsanayaa in la soo dhaweeyo muwaadiniinta u
dhashey turki ee dalka u jooga in ayna caawiyaan

 Sidoo Kale Xmjs Waxa Ay Tacsi Tiiraanyo Leh hawada u marinayaan xukuumada iyo shacbiga maleysia geeridii ku timid wariyihii u dhashey dalka maleysia anagoo rajeyneyna in gacanta lagu soo dhigi doono kuwii ka danbeeyey dilka marxuumkaas.

Xmjs/usrp wuxuu u soo jeedinayaa dhinacyada siyaasada somalia isku
haya in aan la siyaasadeyn gurmadka iyo gargaarka lagu taakuleynayo
dadka dhibaateysan meel kasta ha joogaane.

Xmjs/usrp wuxuu ugu danbeyntii kasoo horjeestey shir ku sheegii
dhawaan xamar ka dhacey waxaana la soo dhaweeyey xildhibaanada
baarlamaanka oo qaarkood cadeeyeen in aan maanta la sameyn karin
dastuur dastuurna uusan qarankan u noqon karin wax ay soo qor qoreen
shisheeye dano siyaasaded dalka somalia ka leh

Dastuur soomaalidu iyagaa xaq u leh in ay yeeshaan(weyna heystaan) ayaa qoraalka lagu soo gabangabeeyey.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com