Dowlada Kenya Oo Sh. Shariif Ku Eedeysay Wax Isdaba Marin Iyo Musuqmaasuq.

0
509

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Faarax Macalin oo ah Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Kenya oo warbaahinta Muqdisho hadal siiyey ayaa sheegay in Dowlada TFG-da aysan deeqaha iyo gurmadka gaarsiin dadka loogu talagalay ee ku dhibateysan magalada muqdisho gaar ahaan deeganada ay gacanta ku hayaan isagoo xusay in ay jiraan wax isdaba marin hogaanka dowlada Soomaaliya.

Sidoo Kale Waxa uu intaasi ku daray in qeylo dhaanta ka imaaneysa maamulka shariif ee dhanka abaaraha ay sii xoogeysteen islamarkana aanu weli muuqan wax hormar ah oo laga gaaray deeqaha carabta iyo caalamka kale ka imaanaya ee gacanta Shariif ku soo dhacaya

 Taasi ayaa waxa ay dhalinkartaa in dadka aanan gurmadka sii loogu talagalay aan loo gaarsiinin Sidii Lo Baahnaa OoMeesha Uu Ku Jiray Musuq Maasuq Aad U baahsan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin waxaa uu si kulul u weeraray mas’uuliyiinta Dowlada TFG-da Soomaaliya oo uu sheegay in ay lunsanayaan dhaqaalaha iyo gurmadka loogu talagalay dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen ee ku jira xeryaha dadka dhibaateysan

  Waxa Uu intaasi raaciyey in ay nasiib daro tahay waxa hogaanka Dowlada Soomaaliya Loo Soo Mariyay Dadka Shacabka Ah Ee Ku Dhibaateysan Soomaaliya In Ay Iyaga Lunsadaan Oo Ay Afka U Dhigtaan

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com