(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Shir looga hadlayo Hakinta tacadiyada loo geysto Haweenka ayaa ka furmay xarunta Wasaarada haweenka iyo arimaha qoysku ay ku leedahay magaalada Garoowe Ee Maamul Goboleedka Puntland
Marwo Luul Jaamac Awnuur Oo Ah Agaasimaha horumarinta iyo xiriirka gobolada ee Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ayaa sheegtay in kulankani uu yahay mid looga arinsanyo sida ay ragu uga qayb qaadan karaan yareynta tacadiyada loo geysto haweenka Iyo waliba Sida Xun Eel ala Dheqmo Haweenka Ku Dhaqan Magaalada Garoowe.
Agaasimaha horumarinta iyo xiriirka gobolada ee Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Luul Jaamac Awnuur ayaa sidoo kale xustay in xiligan ay yar yihiin tacadiyada loo geysto haweenka ku dhaqan degaanada Puntland , taasna ay ugu wacan tahay wacyigelin fara badan oo ay Wasaarada haweenku samaysay mudadii 7-sano ahayd ee ay jirtey
Hase yeeshee weli Waxaa sii jiraan tacadiyada ku aadan dhanka shaqaaqoyinka guriga , Kufsiga , iyo gudniinka Fircooniga ah oo hawwenka Ay U Tahay Tacadi Aad U Weyn Ee Lagula Kaco.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com





