Sarkaal sare kana tirsan ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed oo lagu diley degmada Hodan ee G/BANAADIR.

0
564

Waxaa allaha u naxariistee fiidnimadii caawa lagu diley degmada Hodan ee g/banaadir G/SARE Siyaad Maxamed Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka xogga dalka soomaaliyeed Guutada degen Laantabuuro.

EX korneyl Siyaad Maxamed Cabdi ayaa waxaa rag hubeysani ku dileen agagaarka iskuul DHagaxtuur ee ku yaal degmada Hodan waxaana goobta soo gaarey markii dilku dhacey kadib ciidamada Amniga dawladda federalka soomaaliya,iyadoo ragii dilka geystey ay goobta ka baxsadeen.

Majirto cid sheegatey dilkan,mana aha markii ugu horeysey oo sidan oo kale si dhagar ah loo dilo,waana kuwo soo noq noqda falalka ceynkan oo kale ah,maalin kastana ka dhaca magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka intooda badan,ilaa iyo hadana lama oga sababtaloo bar tilmaameedsado dad badan oo hore loo toogtey.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak