Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa subaxnimadii hore ee saakay isaga baxay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Mas’uuliyiintii maamulka degmada ee dowaldda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay horay u sii raaceen ciidammadii halkaa isaga baxay.
Lama oga halka ay u jiheysteen ciidammada Itoobiya ee isaga baxay Halgan, hasse ahaatee waxaa la rumeysan yahay in u dhaqaaqeen dhinacadegmada Beledweyne oo ay ku leeyihiin saldhiga ugu weyn ciidammada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Xoogagga Al-shabaab ayeey sheegeen dadka deegaanka in markiiba ay la wareegeen deegaanka, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka rayidka ah.
Ciidanka Itoobiya ayaa todobadyadii aynu soo dhaafnayba dhaq-dhaqaaqyo dib u gurasho ah ka wadday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
warsom2011@gmail.com








