Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Galmudug oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Cadaado, ayaa ka dalbaday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif in uu taageero maamulka Hir-shabeelle.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka mid ahaa wafdigii ka qaybgalay doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Hir-shabeelle oo xallay lagu qabtay Jowhar.
“Waxaan ognahay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu yahay Ugaaska ugu faca-weyn kuwa Soomaaliyeed, isla markaana ah Nin aad u qiimo badan, Waxaan ka Codsanayaa inuu taageero maamulka cusub, kana shaqeeyo mar walba midnimada bulshada ku dhaqan labada gobol” ayuu yiri C/kariin Xusseen Guulleed.
Ugaas Xassan ayaa wali ka hadlay mowqifkiisa doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Hir-shabeelle oo lagu waddo in maalmaha soo socda isaga iyo wafdi uu hogaaminayo in ay soo gaaraan magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa u arka dhismaha maamulka Hir-shabeelle ee gobollada Hiiraan & Sh/dhexe mid muhiim u ah shacabka reer Galmudug oo muddo dheer sidda uu hadalka u dhigay u dhigay ku taamayay dhismaha maamulkan oo ay la yeelan doonaan iskaashi buuxa.
WARSOM2011@GMAIL.COM








