Haweenka ay qabaan Al-shabaab oo maamulka bardheere ugu baaqey in magaalada ay isaga baxaan.

0
558

Maamulka Baardheere ayaa amar ku bixiyay in xaasaska Al-Shabaab ay ka baxaan magaaladaa.

Maamulk magaaladaa ayaa sidoo kalena sheegay in loo baahan yahay in taageereyaasha kooxda Al-Shabaab ay iskood uga baxaan magaalada. Wuxuu maamulku sheegay in loo baahan yahay in dadkaasi ay magaaladaa uga baxaan si iskood ah muddo 7 maalmood ah.

Wuxuu maamulku sheegay in aysan doonayn  in ay wax u dhimaan balse ay tahay inay iskood halkaa uga huleelaan maadaama ay amni darrada qeyb ka yihiin oo ay xarakada Al-Shabaab la shaqeeyaan.

Si la mid ah sidaa ayaa maamulka Kismayo ee Jubaland dhowr jeer wuxuu ku amray haweenka u dhaxa ragga ka tirsan Al-Shabaab in ay Kismayo isaga baxaan.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak