Aragtida shacabka iyo lacagaha lagu bixinayo jagooyinka qaranka.( FAALO)

0
527

Sida lala wada socdo waxaa dalka soomaaliya uu ku jirey sanadihii lasoo dhaafey waxa loogu yeero 4.5 kaas oo meel cidla ah dhigey dad badan oo muwaadiniin ah,waxaana laga dareemayey beel kasta in ay iska dhex sameysey point five kaas oo quus ka gaarsiiyey in aaney waxba ku laheyn dalka ay ka dhasheen,taasina waxey kala fogeysey bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay ku noolyihiin.

Arrintan oo la dhihi karo hindise shisheeye aan u naxeyn dadka soomaaliyeed oo ehel iyo qaraabo isu dhaw ah wax wada cunkana aan cidina uga fiicneyn,si kastaba ha ahaatee waxaa maanta taagan tu kale oo ka daran hadii ay dadka soomaaliyeed fahmaan,hadiise ay fahmi waayaan ay ogaan doonaan waxa ka dhalan doona,taas oo ah (LACAGAHA LAGU DOONANAYO XILKA QARANKA) taas micnaheedu waxa ay tahey iyadoo aqoon yahankii,wax garadkii,muwaadinkii xaqa u lahaa in la doorto ama uu wax doorto lacag lagu hor joogsado.

Bulshada soomaaliyeed hadii ay arinkaas maanta aqbalaan waxaan arkaa mid ka daran tii hore aan usoo sheegey,walina lama arag dal ay ka dhacdey tan oo kale,ee maxaa laga sugayaa qof xilka lacag kusoo heley?miyaanu aheyn qof lacagtii raba in uu soo celiyo iyadoo faa’iido wadata?saw mahan qof mannaxaanku u jaranyahey,ileen isagaba looma ixsaan faline?imisaa aqoon iyo wadaniyad lahoo aan maanta lacagtaas heli karin? jawaabtu waa malaayiin iyo malaayiin ee dadka soomaaliyeed ha ogaadeen maanta waxaa jira group ama koox dooneysa in ay dalka kula wareegaan LACAG kuwaas oo dad gaara u qeybinaya lacag ay leeyihiin xilka ku doono,iyagoo doonaya in ay iyaguna qaataan xilalka sar sare kuwanina ugu codeeyaan shilimaadkii shaley la siiyey.

Waxaan ku talin lahaa hadaan ahey ninka faaladaan qorey maanta ayaa la ogaan doonaa in soomaalidu gacmaheeda isku gawracdey iyo in ay is badbaadiso(gawracu waa adigoo ogolaada lacagta xaaraanta ah)badbaadadu waa adinkoo diida oo ka hor yimaada lacagta xaaraanta ah),ha ogolaanina in aad u kala codeysaan sadex qof oo lacag isla eg laga wada qaadey hal qofna wax helayo labada kalena iyagoo dhacan hoosna ka ooyaya iska tegayaan,taas oo ah dulmi allaah u caroonayo,wixii alle ka caroodo qaranka oo dhan ayaa u maqane aawey cullimadii diintu mey ka hadlaan waxaani waa jirid go’eenee allaw hanagu darin adigaa kala yaqaan dadkaagee!!!!!!.beccosalaam-banktabaarak