Degmada B/xaawo oo lagu soo bandhigey Gaadiid Qaraxyo lagu diyaariyey.

0
631

Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay gaari nooca Suzuki-ga loo yaqaano oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka degmada Baladxaawo, gaariga oo la sheegay in ay saarnaayeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay wateen hub iyo walxaha qarxa.

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Jubaland mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay gaariga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaarigan xalay fiidkii, isagoo sheegay in ay gaariga wateen Maleeyshiyaad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab.

“Gaariga waxaa saarnaa dhowr nin oo hubeeysan, ciidamada ilaalada degmada ayaa amar ku siiyay in uu istaago oo leerka dhexe daarto, haseyeeshee xabad ayay bilaabeen maleeyshiyadii saarnayd, ciidamaduna waa ay iska difaaceen, nasiib darro iyagii  way  baxsadeen balse gaariga ayay goobta uga carareen,” Ayuu Wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu goobta kusoo bandhigay Baastoolado, Qoryo nooca Ak47-ka ah, Bambaanooyin iyo walxo kale oo uu sheegay in ay qaraxyada u isticmaalaan.

Waxa uu yiri “Ujeedadoodu waxay ahayd in ay bulshada dhibaateeyaan, balse ciidamada geesiyaasha ayaa ka hortagay, waxyaabaha kale ee gaariga saarnaa waxaa kamid ah Xargo iyo Mindiyo aan filayo in ay u isticmaalaan xasuuqa shacabka.”

Wasiir kuxigeenka ayaa goobta abaalmarinno lacageed ku gudoonsiiyay ciidamadii fuliyay howlgalkii lagu soo qabtay gaariga, isagoo kubooriyay ciidamada kale ee ku sugan degmooyinka gobolka Gedo in ay foojignaadaan, islarmarkaana ay abaalmarinno qaali ah heli doonaan hadii ay ka hortagaan falal noocan oo kale ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Jubaland ee ku sugan degmada Baladxaawo ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa oo la doonayay in loo gudbiyo dhanka Kenya.
warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak