Suuqa Cabdalla shideeya ee Bakaaro oo maamulka G/banaadir mamnuucey.

0
789

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay maanta suuqa Cabdalla Shisheeye ee suuqa Bakaaraha, kaasoo lagu sameeyo dukumiintiyada iyo shahaadooyinka, isla markaana lagu iibiyo qalabka lasoo isitcmaalay.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane iyo Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo Amniga, Maxamed Axmed Diiriye oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay suuqa bakaaraha, ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo mamnuucay jiritaanka suuqa Cabdalla lla Shideeye.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintan ayaa uga digay dadka ku shaqeeysta suuqaas inay inaysan kasii shaqeyn karin, iyagoo xusay in sharciga lala tiigsan doono ciddii lagu arko iyadoo ku hawlan shaqada suuqaas.

Dhanka kale, Xalane, ayaa ku boorriyay hay’adaha amniga inay il-gaar ah ku hayaan hawlan suuqa Cabdalla Shisheeye,  isla markaana tallaabo adag laga qaado ciddii lagu qabto arrintaasi.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ayaa hadalkan ka sheegay gabagabada hawlgallo lagu soo qabqabatay dad badan oo maanta ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen Suuqa weyn ee Bakaaraha.

warsom2011@gmail,com

beccosalaam-banktabaarak