Taariikhda loo asteeyey Doorashada M/weynaha oo Xasan SHeekh ka fekerayo.

0
474

30ka bisha 11aad ee sanadkaan ama Nofember ayaa ah taariikhda cusub ee loo meel dhigay doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada dadban ee Soomaalia ayaa jadwal cusub u dajiyay maalin ka hor doorashada mar kale kadib dib u dhacyo laga baaqsan kari waayay. Bishaan 24ka ayaa dib u dhac mar kale yimid la xiriira doorashooyinka baarlamaanka.

Haataan ayaa jadwalka cusub ee la dajiyay waxaa loo meel dhigay doorashada baarlamaanka inta u dhexeysa 23ka Oktoobar iyo 10ka Nofember.

Wixii loo gaaro 5ta Oktoobar ayaa laga sugayaa in maamul goboleedyada dalku soo gudbiyaan xubnaha ay u doonayaan Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Dadban ayaa sheegay in dib u dhaca waxa sababaha u ah ay yihiin xaalada ammaanka, bajetka ama qarajka doorashada iyo hannaanka xallinta khilaafka.

Waxaa jirta in iyana liisaskii laga sugaayay odaayasha dhaqanka Soomaaliyeed aysan wali soo wada gudbin.

Guddiga Doorashada Dadban ayaa shalay shaaciyay in wixii loo gaaro Oktoobar 8 habka xallinta khilaafku uu diyaar ahaan doono.

Bajetka doorashooyinka ayaa boqolkiiba lixdan (60%) waxaa ku yaboohday beesha caalamka.

Ilaa 14000 oo qof ayaa soo dooranaya xubnaha baarlamaanka kaasoo asna dooran doona madaxweynaha.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak