(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa duleedka degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud oo maalmahan ay ka jireen hub aruursi iyo saansaan dagaaleed oo aad u baahsan.
Sidoo kale Wararka Dhuusamareeb naga soo gaaraya ayaa waxay xaqiijinayaan in rasaas goos goos ah laga maqlayo deegaanka Geed Timirka oo fariisin ay ka dhigteen ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo iminkaba ay ku suganyahiin.
Ciidamada Dowlada ayaa difaacyo ka sameestay xaafadda Siinaay ee dhanka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac qarka u saaranyihiin dagaal balse cidna ma sheegi karto xiliga uu dagaalka Dhuusamareeb Bilaabanayo iyadoo iminkaba ay saan saanteeda muuqato.
Dhinaca kale Ciidamada Dowlada ayaa gudaha Dhuusamareeb ka bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan kaasi oo u muuqda in ay isku dayayaan difaacashada Dhuusamareeb.iyagoona diyaargarow aad u baahsan laga dareemayao Ciidamada dowlada oo halkaasi fariisimo ku leh
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )




