Dawlada Britain oo sheegtey in ay kordhineyso kaalamada Soomaaliya ay siiso.

0
565

Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kordhin doonaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya si loo xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya waxay ka jeedisay shirkii 71-aad ee Golaha Ammaanka QM, iyadoo ka hadashay arrimo badan oo kuwa Somalia ay ku jiraan.

Sidoo kale, Theresa May ayaa xustay in Dowladdeeda ay taageero xoog leh u fidin doonto Soomaaliya, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Somalia ay laba-jibaarto.

RW Britain ayaa sheegtay in beesha Caalamka sidoo kale iyaguna looga baahan yahay inay xoojiyeen taageerada ay siiyaan Somlia, islamarkaana loo baahan yahay iney ka xoojiyaan sida ay hadda tahay.

Dhanka kale, Mar ay May ka hadlaysay arrinta ku aadan weerarada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab ee gudaha Somalia ayay tilmaantay iney aad u jeclaan lahaayeen inay noqdaan hormuudka ku fulinta weeraradaas.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha UK, ayaa hoosta ka xariiqday in muhiim ay tahay in la qabto shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Somalia, isla markaana dhaqaale loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Britain ayaa waxaa kaga sugan Somalia ciidammo tiro yar oo gacan ka siiya ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ee Midowga Afrka dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak