Inta la Xaqiijiyay illaa Toddobo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia ayaa ku Dhaawacmay iska hor-imaad ku dhaxmaray dulleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan ciidammada dowladda ayaa WARSOM u sheegay in ciidanka iska horimaadka dhaxmaray kala shakiyeen, taasoo keentay in is rasaaseyn dhaxmarto.
Ciidamada iska horimaadka uu dhaxmaray ayaa la sheegay inay kasoo kala tageen Degmada Maxaas iyo Deegaanka Moqokori oo Maalintii Shalay ay la Wareegeen Xoogagga ka Tirsan Al-shabaab.
Ugu dambeyntii, iska horimaadyada noocan oo kale ah ku badan ciidammada Dowladda FS, Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
warsom2011@gmail.com








