Doorashada dadban iyo shirkii wada tashiga Madasha oo maalintii 2’aad Muqdishoka socda.

0
525

Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu Shir-guddoominayo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke, RW xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale, kulankan oo noqonaya midkii ugu Dambeeyay ee Madasha Madaxda Qaran isugu yimaadaan, Waxaana Shirkaan kaddib si Toos ah loo |Dhaqaaqaayo Hir-gelinta Hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Ugu dambeynt, Shirkan oo aan la ogeyn xilliga rasmi ahaan loosoo gunaanadi doono ayaa haddana waxaa laga sugayaa inay kasoo baxaan war-murtiyeed ay madaxda ka qayb-galay shirkan ka gaaraan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak