Wafdi ka socday Zaambiya oo Deeq lacag ah Gaarsiiyay Xerada Weyn ee Barakacayaasha Aala-Yaasir

0
617

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

Deeqdani Lacagata ah ayaa waxay noqoneeysaa wajigii labaad oo ay ugu tala galeen Gurmadka  Abaaraha , Halka ay deeqda  wajigeedii koobaad ka qeybiyeen Xiro barakacayaal  oo ku taala Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.

Iyadoo  Masuuliyiinta loo soo wakiishay deeqda ay sheegeen in ay tahay qeybinta lacagtani wajigii labaad oo ay ka qeybinayaan Xerada Aala-Yaasir ee  km50 .

Dadkii la gaarsiiyay deeqdan ayaa waxay gaarayaan ilaa iyo 4,473 oo Qoys (Afar Kun Afar Boqol iyo todobaatan iyo sadex Qoys) iyada oo lasiiyay qoys waliba lacag dhan $10 (Toban Doolar) oo u dhiganta 300,000 sh.so (Sedex Boqol oo kun shilin Soomaali) , guud ahaan Lacagta halkaasi lagu qeybiyay ayaa waxay noqoneeysaa $44,730 ( Afartan iyo Afar kun Todobo Boqol iyo Sodan Doolar).

Waqtiga Deeqdan lacagta ah la qeybinayay ayaa qoysaska kaamka ku nool lasiinayay Raashiin   ku filnaan karo Maalmo islamarkaana ay ka kaafnkarto quutul turuurigooda maalmahaasi .

Masuuliyiinta loo soo wakiishay qeybinta deeqda ayaa waxay u sheegeen  Warbaahinta in  ay sii wadi doonaan qeybinta Deeqaha iyagoo ugu baaqay dhamaan jaaliyadaha  muslimiinta iyo shaqsiyaadka wax heysta in ay taakuleeyaan walaalahooda dhibaateeysan ay Abaaruhu Saameeyeen

Mana ahan markii ugu horeysay ay deeq mid kan la mid ah ka qeybiyaan jaaliyadaha islaamka ah gudaha magaalada tani muqdisho iyadoo ay isasoo tareyso Abaaraha Iyo Macluusha heysata Umadaha soomaaliyeed

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )