(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Dr Abdiweli Ali Gas Ra’iisul Wasaaraha Dowlada TFG-da ayaa kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga. Kulankan ayaa waxuu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kenya. Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxey labada Ra’iisul Wasaare uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xirirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee labada dal, arrimaha amniga iyo horumarka laga sameeyey ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo arrimo kale oo ay ugu dambeytii isla afgarteen labada Ra’iisul wazaare.
Gaas oo soo gaaray magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha abaaraha ee waddamada Geeska Afrika. Kulan oo ay marti gelisay dowladda Kenya ayaa looga hadlayey sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha abaaraha ee ka jira dalalka Geeska Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhigiisa dalka Kenya gaar ahaan shirka muhiimka u ah Soomaalida oo ay dowladda Kenya iska xilsaartay oo ay waliba ku casuuntay dhammaan dalalka Geeska Afrika, Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka oo ay marti qaad aad u balaaran u sameesay.
Raila Odinga ayaa isna u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Gaas kuna ammaanay sida uu wax uga qabtay arrimaha amniga, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, isku xirka Dowladda dhexe iyo maamulada dalka Soomaaliya ka jira iyo gaar ahaan sidii shirkii wadatashiga Saddesda Qabiil ee Soomaalida
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )




