Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Tan Iyo Markii Xukuumada Soomaaliya ay Shaacisay In Shirka wadatashiga Uu maalinka Berito ah ka Furmaya Gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa isasa Soo taraya Fikradaha ay ka Dhiibanayaa Dadka Wax Galka ah Sida Xisbiyada Ka Jira Soomaaliya
Gudoomiye Ku Xigeenka XIsbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Ku Simaha Madaxweyne Darmaan Mudane Cali Maxamed Nuux Tima Ilic ayaa Markii Ugu Horeesay ka Soo Hor Jeestay In ay natiijo La taaban karo ka Soo Baxdo Shirkaasi
” Shirka ay wada Tashiga Ku Tilmaameen Waa Mid lagu Kala Qaybinaya Shacabka Soomaaliyeed mana filaya Natiijo Miro Dhal Leh In ay Ka Soo Baxda Shirkaasi Ayuu Yiri Tima Jilic “
Sidoo Kale Gudoomiyaha ayaa Waxa Uu Tibaaxay Isagoo hadalkiisa Sii Wata In Shirka Magaca Looga Ciyaaray Oo ay habooneyd In Loo Bixiyo Shirka Dabin daabyada Umada Soomaaliyeed waa Sida uu Hadlka U Dhigay
Ma Ahan Oo Kaliya XMJS Iyo Tima Jilic Dadka Sida Ba’an Kaga Soo Horjeeda Shirkaani Balse Xitaa Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Iyop Siyaasiyiin Caan ah ayaa Shirkaani U Arko Dabin Loo Dhigayo Shacabka Soomaaliyeed
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )





