Askarta dalka Kenya oo dalbadey lacag dheeraad ah hadii ay la dagaalamayaan Al-shabaab.

0
591

Askarta sida gaarka ah u tababaran ee Kenya (special units) oo aad ula dagaalama Al-Shabaab sida hadalka loo dhigay ayaa doonaya iminka in dawlada Kenya ay u kordhiso mushaaraadka maadaama ay shaqadaa adag qabtaan.

Waxay cutubyadaasi aad uga cabanayaan mushaarka oo kuyar iyo wax magdhaw ah inaysan ku helin dhaawacyada kasoo gaara dagaalka. Waxay sheegeen in heshiisyada ay la galaan AMISOM ay ka arkaan xaalado xujo ah hoggaanka AMISOM-na ay sidoo kale u arkaan mid  musuq badan isla markaana ah hoggaan xun gaar ahaan madaxda sare.

Askartaa ayaa ka cawday hawlgalkii Soomaaliya oo ula muuqda ayaga mid khasaaraya. 

‘Askarta Kenya maahan fulayo laakiin si wanaagsan ayay utababaran yihiin awoodna waa leeyihiin laakin waxaa hoos u dhigta istaraatiijiyad xumo’. Waxaa sidaa yiri mid ka mid ah madaxda sare ee cutubyadaas cabanaya.

Ayadoo ay xagga dishibiliinka ay isku celinayaan ka militari ahaan ayaa hadana waxaa  ay aad uga fakaraan inayba mar qura isaga baxaan ciidamada, waa qaarkood. Qaar ayaa sheegay in istaraatiijiyad xumo darteed ay ugu guul dareysanayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxay ku andacoonayaan inaan wax dadaal ah lagu bixin in dib loo habeeyo bulshooyinka ku nool meelaha ay xoreeyaan dagaal dhib badan markii ay ku xoreeyaan kadib!

‘Waqti ayaan khasaarinaynaa. Askarteenu macno darro ayay ku dhimanayaan’. Sidaa ayuu yiri. Sidoo kale waxay askartu ka walaacsan yihiin dayaca heysta bulshooyinka daggan Kenya darafyada xadka Soomaaliya u dhow gaar ahaan inta u dhexeysa Kiunga iyo Lamu oo ay sheegeen in carruur badan meelahaa aysan waxba baran maadaama macalimiin yari ay ka jirto.

Waxay sheegeen in dawladaha deegaanada iyo tan qaranba ay gabeen dadkaa. Waxay ka dhawaajiyeen arin lala yaabo oo ah in iskool meelahaa kuyaala oo 100 arday ay dhigtaan uu dhigo hal macalin oo qura.

Waxay intaa kudareen in awal dhowr boqol oo arday ay dhigan jireen iskoolkaa laakiin ay ka kala tageen iminka arintaa macalimiin la’aanta ah daraadeed!

warsom2011@gmail.com

beco2salaam banktabarak234