Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed ka soo saarey ishortaag lagu sameeyey shir odeyaal muqdisho ka dhici rabey.

0
559

BAAQ DHALLECEYN FALKII CIIDAMADA AMNIGU KULA KACEEN ODOYAASHA DHAQANKA

 

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaadda Soomaaliyeed wuxuu si kulul u canbaaraynayaa falkii ciidamada amnigu ku carqaladeeyeen shirweynihii odoyaasha dhaqanka ee maantay ka dhici lahaa hotel Makka Almukarrama ee magaalada Muqdisho, ayadoo joojinta shirkaas dawladdu ay amar soo siisay ciidamo hubaysan oo ula dhaqmay odoyaashii dhaqanka si ka fog anshaxa ciidamannimo & hanaanka dawladnimo, isla markaana xadgudub ku ah dastuurka dalka qodobka 20-aad faqradiisa 1-aad, kaasoo qeexaya

“Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama banaanbax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan ogolaansho loo baahnayn

”. Waxaan ka welwelsanahey, aadna uga xunnahay sida loo cabburinayo dadka Soomaaliyeed ee sida nabadgalyada ah u cabbiraya aragtiyadooda, gaar ahaan odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta, ayadoo tallaabada maanta ay ka marqaati kacayso habdhaqanka kali-talisnimada ah ee hogaanka dawladda Soomaaliya ee waqtigiisu gabaabsiga yahey uu la soo ifbaxay, kaasoo muujinaya quusta iyo miyir la’aanta uu la nool yahey, dhanka kalana aan xasuusanno todobaadkii tagey khudbaddii madaxweynaha uu ka jeediyey masjidka Isbaheysiga iyo hanjabaadihii ku jiray ka dib markii uu ku tilmaamay dadka ka horjeeda siyaasaddiisa

“Cadowga labaad. Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Soomaaliya wuxuu barlamaanka Soomaaliya iyo garsoorka dalka ugu baaqayaa iney tallaabada sharciga ah ee ku haboon ay ka qaadaan ciddii soo bixisey amarkii lagu argagixiyey odoyaasha dhaqanka, milikiilayaasha iyo macaamiisha hotel Makka Almukarrama, kaasoo aan aheyn wax la qaadan karo, una qalma hannaanka dawladnimada casriga ah ee dadka Soomaaliyeed ay ku naalloonayaan.

Hey’adaha amniga oo duruufta ay ku shaqeeyaan ay mar kasta xisbiyada siyaasaddu u doodaan xuquuqdooda waxaan ugu baaqaynaa in ay nabadgalyada qaranka ay xil iska saaraan oo aysan noqon kuwo dano siyaasadeed loo adeegsado, dhexdhexaadna ka ahaadaan siyaasadaha is haya ee dalka gaar ahaan waqtigaan doorashooyinka, annagoo ugu baaqayna in shuruucda iyo dastuurka dalka ay si wanaagsan u fahmaan, kana fogaadaan ku xadgudubka bulshadooda.

Gabagabadii waxaan aaminsannahey in taliska villa Soomaaliya uu qaaday waddooyinkii kalitalisnimada, oo la wada yaqaan halka ay ku dhammaanayaan, annagoo hubna in uusan ku guuleysan doonin tallaabooyinkiisaas qaldan, waxaan ugu baaqaynaa odoyaasha dhaqanka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan badbaadinta dalkooda.

Gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya

Cali Maxamed Nuux (timajilic)