Wararka kusoo dhacaya Xafiiska Warqabadka Shabakada warsom ee magaalada London ayaa sheegaya in saakay la joojiyay Shir ay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Hawiye.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in looga hadlo arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo sidoo kale guulaha iyo fashilka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud afartii sano uu xika ugu sareeya dalka hayay.
Xubnaha Shirkan abaabulkiisa waday ayaa la sheegay in ay u badnaayeen kuwa Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya Mucaarad ku ah, waxaana Shirka la qorsheeyay in uu ka dhaco Hotelka Maka Al-Mukarama ku balan sanaa in ay kasoo qeyb galaan Siyaasiiin iyo dad kale oo magac leh oo kasoo jeeda Beesha Hawiye.
Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamo katirsan Dowlada ayaa joojiyay Shirkii ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana dadkii soo xaadiray Hotelka loo sheegay in ay halkaasi si deg deg ah uga baxaan ayna jirto xaalad dhinaca amaanka ah.
Laamaha amaanka ayaa dadkii ku sugnaa Hotelka u sheegay in uu jiro Weerar la qorsheeyay in saakay lagu soo qaado Hotelka Maka Al-Mukarama ayna weerarkaasi fasiliyeen ciidanka amaanka, iyadoona wali jiro cabsi kale oo ku aadan in Hotelka lasoo weeraro.
Qaar kamid ahaa Odayaashii iyo Siyaasiyiinta Hawiye ee ku balan sanaa Hotelka ayaa sheegay in aysan jirin xaalad amni oo kulankooda u baaqday balse ay aheed xeelad loo dagay laguna doonayay in kulankooda lagu fashiliyo laguna baajiyo.
Xubnihii Shirka Beesha Hawiye yeelan laheed ku balansanaa Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa iyaga oo careesan isaga tagay Hotelkaasi, waxaana soo baxaya in Shirka ka dhici lahaa Hotelka uu ahaa mid lagu mucaaradayo Siyaasada Madaxweynaha sidaa darteedna loo fashiliyay.
Afhayeenka Maamullka Gobolka Banaadir ayaa saakey sheegay in Ciidamada amanaka ay fasiliyeen Gaari waxyaabah aqaraxlagasoo buuxiyay oo lagu weerarilahaa HOtelka Maka Al-Mukarama, waxaana dad badan shaki galinayaan jiritaanka Warkaasi.
Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama Gureey Xaaji, oo isna ka hadlay Weerarka la sheegay in Hotelkiisa lagu soo qaadi lahaa ayaa ku tilmaamay warkaasi been abuur , waxa uuna xusay in ay arintaasi tahay mid wax loogu dhimayo sumcada Hoteelkiisa ayna tahay mid ay Siyaasad ka dambeyso.
Laamaha amaanka iyo masuuliyiinta Dowlada ayaan inta badan looga baran in ay shaaciyaan Magacyada Hoteelada iyo goobaha kale ee laga hortgo weeraro lagu qaadi lahaa, hasa ahaatee Afhayeenka gobolka ayaa maanta Shaaciyay magaca Hotelka Maka Al-Mukarama in la weerari rabay taa oo dad badan shaki ku abuurtay.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe ka cabanayay caburin dhinaca Dowlada, lamana oga Siyaasada ka dambeysa fashilinta shirkan maanta ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho.
warsom2011@gmail.com








