Ku dhawaad 25 ruux ayaa ku dhintey dagaal culus oo xaley saqdii dhexe ka dhacey saldhig ay ciidamada DF ku lahaayeen deegaanka L/buuro,waxaana wararku sheegayaan in khasaare badani uu halkaas ka dhacey,dadka dhintey ayaa gebi ahaantood ah askarta labada dhinac ee goobta ku dagaalamey,lamana oga ilaa iyo hadda dhaawacu inta uu la egyahey.
G/lle Axmed Faarax kana mid ah saraakiisha ciidamada degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegey in ay dileen 12 dagaalyahanada Al-shabaab ka tirsan halka uu ka gaabsadey inta dhinacooda ka dhimatey,iyadoo ay adagtahey helidda xogta dhabta ah ee ka jirta goobta dagaalku ka dhacey.
DHanka kale dagaalyahanada AL-shabaab ayaa sheegtey in ay dileen 31 askeri oo kuwa dawladda FDka ah,sidoo kalena ay qabsadeen oo ay qaateen 7 tikniko ah,oo ay sii dheeryihiin hub iyo rasaas ay goobta ka qaateen,iyadoo ay jiraan warar sheegaya in AL-shabaab qafaasheen nololna ku wateen askar DF ka tirsanaa oo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku suganyihiin.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kaga bogan doontaan shabakada wararka warsom insha allaah,anagoo idiin balan qaadeyna in aan mar walba idiin soo gudbino warar xaqiiq ah.
warsom2011@gmail.com





