Sida ay sheegeyso warbixin dhawaan soo baxdey oo lagaga hadlayo dhibaatada iyo xadgudubyada ay la kulmaan dadka tahriibayaalka ah,waxeyna badanaaba ku dhacdaa inta ay ku guda jiraan safarka qatarta ah ee saxaraha iyo badda dhexdeeda,waxaana jira bay warbixintu leedahey in qabaa’il maleeshiyaadkooda ay dagaalo ku dhex maraan dad tahriibayaal ah oo la qafaashey si madax furasho lacageed looga helo.
Sidoo kale doonyaha qaada tahriibayaasha ayaa badweynta dhexdeeda dadka ku daadiya iyadoon la gaarsiin goobtii habooneyd ee ay ku degi lahaayeen,waxeyna xambaarayaashu ku dhex garaacaan tahriibayaasha doonida dhexdeeda inta lagu guda jiro safarka qatarta ah ee badda dhexdeeda ah,waxaana badanaaba dhacda in xambaarayaashu badda ku dhex tuuraan tahriibayaasha ay lacagta kasoo qaateen.
Dadka tahriibayaasha ah oo ka cararaya nolol xumo ay kala kulmeen iyo dagaalo ka dhacaya deegaanadii ay kasoo haajireen,iyagoo raadinaya mid dhaanta ayaa hadana dawladaha Yurub waxey adkeeyeen sharciyada soo galootiga,waxaana isa soo taraya naceybka ay dawladaha dalalka Yurub u qaadeen dadka soo galootiga ah,waxeyna tabar iyo taag u waayeen siyaasad xakameeysa dadka kasoo haajiraya dalkoodi,waxaana jira kuwo ku xaniban xeryo kasii nolol xun tii ay kasoo carareen,ilaa iyo hadana ma jirto xal laga gaarey maareynta dadka tahriibka ah ee dalalkoodi kasoo guuraya.





