Xaley oo weerar culus lagu qaadey saldhig ciidanka xogga soomaaliya ay ku lahaayeen Laanta Buuro.

0
516

Wararka ka imaanaya gobolka SH/hoose ayaa sheegaya in xaley weerar lagu qaadey saldhig millateri oo ciidamada xogga dalka soomaaliya ay ku lahaayeen L/buuro,weerarkaas oo ay soo qaadeen ciidamada dagaalyahanada AL-shabaab,iyadoo leysu adeegsadey hubka kiisa culus iyo kan fududba,waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey goobo ka fog deegaankaas,sida magaalada muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in AL-shabaab deegaankaas la wareegeen waxeyna sidii looga bartey ku bilawdeen qarax baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa,kadibna waxaa bilawdey dagaal culus oo gacmaha leysula tegey,iyadoo dhaawac dhimasho labada dhinac ahi ay goobta ka dhaceen,ayaa la sheegayaa in hub fudud mid culusba ay qabsadeen dagaalyahanada AL-shabaab.

AL-shabaab ayaa bishii maarso ee lasoo dhaafey waxey isla goobtan ka qaateen hub fara badan,waxeyna bar tilmaameedsadaan fariisimaha ciidamada iyo hoteelada ganacsiga ah,mana aha markii ugu horeysey oo ay sidan oo kale si gaadmo ah weerar ugu qaadaan xiliyada saqda dhexe iyo waqtiyada dadku aysan diyaarsaneyn,mana jiro wax wara oo kasoo baxey dawlada federalka soomaaliya.