Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa ka bilaabay Magaalada Beledweyne iyo Deegaannada hoostaga howlgalo ammniga lagu xaqiijinayo.
Tiro badan ciidammada ka tirsan ayaa lagu arkayay saacadihii hore ee maanta qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada, kuwaa meelaha qaar ka sameynayay baaritaanno ammniga lagu sugayo.
Siddoo kale, Ciidanka Jabuuti ee Qaybta ka ah AMISOM – ayaa u dhaqaaqay Deegaannada galbeedka kaga beegan Beledweyne, halkaasoo ay ka sameeyeen hawl-gallo ay saraakiishu xuseen in lagu Xaqiijinayo Nabad-galyada Deegaannada ay Gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM.
Saraakiisha qeybta ka ah howlgalkan ayaa sheegay in baaritaannadan iyo howlgalada socda looga gon-leeyahay ka hortaga weeraro laga yaabo in ay qorshanayaan Al-shabaab xili lagu guda -jiro bisha Ramadaan.
Ugu danbeyn, Sagaalkii bishan Juun, ayeey aheyd markii Al-shabaab ay weerarku qaadeen saldhig ciidammada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan, Waxaana Weerarkaan la rumeysan yahay in ay ku dhinteen tiro ka badan 240 oo ruux.
warsom2011@gmail.com








