Hay’adda
Hormuud Foundation, ayaa Deeq
Lacageed ugu qaybisay Muqdisho Qoysas
ka mid ah Jaaliyadda Yemen ee ku nool
Magaalada Muqdisho ee caasimadda
Somalia.
Xaflad lagu qabtay Hoteelka Shaamow
ayaa deeqdan lacageed loogu qaybiyay
qoys ka mid ah Yamaniyiintii kasoo
cararay dagaalada sokeeye ee ka
soconaya dalkooda, isla markaana soo
miciin-biday Soomaaliya.
Qoysaska lacagta loo way big at ayay
tiradoodu ahayd Saddex Boqol, Waxaana
Qoys walba la siiyay lacag dhan Boqol
Dollarka Mareykanka ah ($100). Waxay
kaloo ku Wareejisay Hay’adda Hormuud
Foundation Hoggaanka Jaaliyadda
Yemen 300 oo kartoon oo timir ah,
taasoo culeyskeedu ahaa 2,400 oo KG.
Guddoomiye ku xigeenka Hormuud
Foundation C/raxmaan Ibraahim Cilmi
(Ookiyaale) oo Xafladda ka hadlay ayaa
sheegay in Deeqdaan Lacageed ay ugu
Talla-galeen in Jaaliyadda Reer Yemen
ay isticmaalaan inta lagu jiro Bishan
Ramadaanka.
Sidoo kale, Mudane Ookiyaale ayaa
Xusay inay dareemi karaan inaysan
Deeqdan lacageed dabooli karin
baahiyaha Guud ee ay qabaan Qoysaska
Yemeniyiinta ah, isagoo ugu baaqay inay
Garowsadaan Marxaladda ka jirta Dalka.
Waxaa isaguna munaasabada ka hadlay,
Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo
xusay in shirkadaha kale ee wadanka ka
jira looga baahan yahay inay Hay’ada
Hormuud Foundation ku daydaan, ayna
caawiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo
kuwa Martida u ah.
Hoggaanka Jaaliyadda reer Yemen, ayaa
ka mahadceliyay deeqdan, waxayna
muujiyeen in Deeqda lagu soo beegay,
Xilli ay baahi u qabeen Qoxootigu
colaadaha dalka Yemen kasoo cararay ee
ku nool Muqdisho.
Ugu dambeyn, Yemen waa dalka keliya
ee ka tirsan Dalalka Carabta ah oo Xeryo
Qaxooti uga sameeyay dalkiisa Shacabkii
Soomaaliyeed ee ka cararay Colaadihii
sokeeye ee Dalka ka Qarxay
Sagaashamaadkii.








