Dowlada Turkiga Oo Markale Qalab Isbitaal Ugu Deeqday Dalka Soomaaliya

0
550

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Dowlada Turkiga ayaa deeqkale Oo I isugu jirta qalab, daawooyin iyo raashin u direy dalka Soomaaliya, shixnadan ayaa lagu soo raray diyaaradaha qaada kaargooga, waxaaneyna ka soo dhooftey caasimadda Turkiga ee Ankara,

Sidoo kale qayb ka mid ah Qalabkaani deeqda ah ayaa la soo saarey Markab kuwa xamuulka qaada kaasi oo iminka ku soo foodleh caasimda soomaaliya ee muqdisho.

Maalintii shalay ayaa Wasaaradda Aafooyinka Iyo Maareynta Xaaladaha deg-dega ah (AFAD) qalab deeq ah iyo daawooyin ay u direen dalka Soomaaliya Gaar ahaan magaalada muqdisho.

Deeqdani ayaa waxa ay isugu jiraan hal gaari oo Aanbalas ah, laba Isbitaal oo qalabkoodi u dhan yahay kuwaas oo ah isbitaalada guur-guuri kara, 45 ton oo daawo ah, qalabka Jikooyinka, Foornada Rootiga iyo 217 ton oo isugu jira cunooyin kala gedisan iyo qalabka lagu qodo gododka.

AFAD Wasaaradda Aafooyinka Iyo Maareynta Xaaladaha deg-dega ah ayaa sheegtay diyaradda laga direy Ankara in ay sidey qalabka Isbitaalka iyo daawooyinka, iyo weliba qalab kale oo caafimaad.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)