Dadka Xaafadda Buundoweyn ee B/WEYNE oo ka cabanaya cudurro kala duwan/gurmad iyo gargaar ma heystaan!.

0
548

Dadka ku nool Xaafada Buundo-weyn ee magaalada Beled-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa ka Cabanaya Cudurro kala duwan oo Durbaba ka dhashay Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Mas’uuliyiinta Maamulka xaafadaas ayaa HOL u sheegay in ay jiraan dad isugu jira cuduro iyo Dad Waayeel ah oo u Dhintay Cudurka Shuban-biyoodka oo sida ay Hadalka u dhigeen ka dilaacay xaafadda.

Ugu danbeyntii, inkastoo biyaha hadda u Muuqdaa kuwo Hoos u dhac sameynaya, haddana waxaa jira Cabsi weyn oo laga qabo Cudurro ka Dhalan kara Biyaha Meelaha ku sii harsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Cudurrada Shuban-biyoodka iyo Kaneecada (Malaariyo).

warsom2011@gmail.com

beco2salaam bankttara