Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali, ayaa maanta Hor-tagay Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday inay meel-mariyaan heshiiska Hanaanka doorashooyinka ka dhici doona dalka daba-yaaqada sannadkan lagu jiro.
Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka dalbaday inay ansixiyaan Hannaanka Doorasho ee dalka oo ay ku Heshiiyeen Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada Dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa si aan gambasho lahayn – Baarlamaanka ugu sheegay in Haddii aysan Gaarin Go’aan cad oo Doorashada ku saabsan ay Beesha Caalamka go’aan gaari doonto, kaasoo ahaa hadal aan Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud looga baran.
Dood Arrintaan ku saabsan ayaa xildhibaannada ku dhex-martay Xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho, waxaana la sugayaa go’aanka ay xildhibaanadu ka gaaraan heshiiska hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Maalmihii aynu soo dhaafnay, ayaa waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ka Socday Kulammo ay yeelanayeen Xildhibaanno ka mid ah Guddiga loo saaray inay Heshiiska lagu heshiiyay ee Doorashada dib u eegis ku sameeyaan.
Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Somalia ee ahaa in go’aa Beesha Caalamka uu ka imaan doono, ayaa imaanaysa haddii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gaari waayaan Heshiiska Doorashooyinka Go’aan cad.








