Banaanbax lagu muujinayo Xuquuqda Gobolkan Banaadir oo Muqdisho ka dhacey/maxaa laaley xaqa dadka banaadir?.

0
519

beco2Muqdisho, ayaa Waxaa maanta ka dhacay Dibadbax lagu Taageerayo Xuquuqda Gobolka Banaadir uu ku leeyahay Baarlamaanka Sare ee lasoo dhisi doono, kaasoo ay ka qayb-galeen boqollaal shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.

Dibadbaxan ayaa waxaa kaloo ka qayb-galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somalia, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee Muqdisho, Dhallinyaro, Haweenka, Waxgarad iyo Aqoon-yahanno.

Xildhibaannadii Bannaanbaxan ee ka Qayb-galay Dibadbaxa ayaa sheegay in marna aysan aqbali doonin in xaqa caasimadda la iska indho-tiro, waxayna xuseen ka xildhibaana ahaan inay doonayaan in Gobolka Banaadir uu helo xuquuqda uu ku leedahay Siyaasadda, taasoo ay sheegeen inay miiska saaran tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Dibadbaxa ka hadlay ayaa si aan ka leex-leeexad lahayn u sheegay inaysan aqbalayn in xaq Caasimadda lagu qanciyo Dad kale, isagoo ka Codsaday madax sare ee Somalia inay Caddeeyaan xuquuqda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in inta laga caddeynayo Xuuqqdaas ay sii wadi doonaan dibadbaxyada noocaan oo kale ah, si ay ugu cadaadiyaan madaxda sare ee dalka in Xuquuqda Muqdisho ay caddeeyaan.

Ugu dambeyn, Mudaaharaadka ayaa kusoo beegmayo iyadoo la sheegay in heshiis dhigaya in gobolka Banaadir inuu todoba xubin ku yeesho Baarlamaanka Sare ee lasoo dhisi doono lagu heshiiyay, kaddib kulan Muqdisho lagu qabtay.

Si kasta ha ahaatee, Heshiiskan laga gaaray Ergooyinka uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Baarlamaanka sare ee lasoo dhisayo ayaa soo afjaraya khliaaf Dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagnaa Arrintan.

beco2salaam bankttara