S/ koria iyo Swizerland oo safaarado ka furtey Soomaaliya/waraaqihii aqoonsiga safiiro laga gudoomey.

0
574

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga danjireyaasha dalalka Jamhuuriyadda Korea (Koonfuur Korea) iyo Dalka Switzerland.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomaya Safiirka Koonfurta Kuuriya, Mr Young Dae Kwon.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan iyo Dae Kwon ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, dhinacyada iskaashiga sida dhaqaalaha, horumarinta miyiga, mihnadaha iyo tababarrada dhallinyarada iyo ciidamada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, Warqadaha Aqoonsiga safiirnimo ka Guddoomay safiirka cusub ee dalka Switzerland wakiilka uga noqonaya Somalia, Ralf Heckner. Waxayna isaga iyo Xasan Sheekh ka Wada-hadleen Xaaladda Somalia, Gaar ahaan Dhinacyada Amaanka, Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha Ogoosto ee sanadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Munaasabada ayaa si rasmi ah loogu sagootiyay danjirihii hore ee dowladda Switzerland u joogay Somalia, Mr Dominik Langenbacher oo ay u dhamaatay Muddadii uu ka shaqeynayay Soomaaliya.

beco2salaam banktabarak