Buugan oo magaciisa la yiraa Muqdisho Yellow Pages ama Buuga Jaalaha Caasimadda ayaa wuxuu kulminayaacinwaanada toban kun oo isugu jira shirkado ganacsi wasaaradaha dawladda,Safaaradaha,xawaaladaha,saldhigyada booliska,iskuulada,jaamacadaha,hotelada,shirkadaha diyaaradaha,iyo ciwaanada meelo si gaar ah loo leeyahey.
Buugan ayaa agaasimaha shirkadda Najax Bashiir Axmed SHeekh waxa uu sheegey in ay ka shaqeynayeen ilaa labo sano oo lasoo dhaafey,ayna gashey maskax,muruq iyo maal fara badan,maantana illaah mahadi uu diyaar yahey hortiinana uu yaalo.
Agaasimaha shirkadda NAJAX ayaa intaas ku darey in wajiga hore la daabaco ilaa 10,000 buug si bulshada gobolkan banaadir iyo inta buugan ku jirtaa ay buuga u helaan,waxaana intaas noo dheer ayuu yiri agaasimaha shirkadu in aan debedda ka fureyno meelo Buugan Muqdisho Yellow Pages laga heli karo,iyadoo qof kastaa buugan ku heli doono qiima macquul ah oodadka raali gelindoona.
Ugu danbeyntiina buugan ayaa noqondoona mid sanad kasta la cusbooneysiiyo dad cusubna kusoo dari doona dadkii ku jirey nuqulkii hore,isagoo buugani qofka heysta u fududeyn doona cinwaanada meel kasta oo adeeg bulshada u heysa dhinacyada hay’adaha dawliga ah kuwa aan dawliga aheyn iyo NGO yada intba laga helayo cinwaanadooda,waxaanan qorsha fog noogu jirain aan buuga electronic ka dhigno si qofka doonayaa aanu meelna isagoon u aadin uu si sahlan u helo.







