Warsaxaafadeed Maanta ay soo saareen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya/maxey kaga hadleen?

0
673

Kulanka ay maanta yeesheen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya,uuna shir gudoominayey Gudoomiyaha (I.X.S.S) Saciid Jaamac Qoorshel ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah,wuxuuna u qornaa warsaxaafadeedka ay soo saareen sidatan:-

 

 

Ref:    IXSS/XG/016/2016                                                                   Date: 1th May, 2016

 

Ku:  dhammaan Saxaafadda gudaha iyo dibadda

 

Ujeeddo:  Warsaxaafadeed

Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed (IXSS), dabaal degga maalinta Shaqaalaha Caalamiga darteed wuxuu  hambalyo u dirayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan–Hambalyo- waxaana Isbahaysigu uu u rajeynayaa horumar iyo mustaqbal fiican.

 

Isbahaysigu wuxuu aad uga xun yahay duruufaha ay munaasabaddani kusoo beegantay oo ah duruufo adag iyadoo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda aanay qaadan mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen muddo dhowr bilood maamul xumida dalka ka jirta awgeed iyo ku takrifal lagu sameynayo dhaqaalaha dalka taasoo ay ka dambeyso dano shaqsiyaad gaar ah.

 

Sidaa darteed isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda sare ee dowladda iyo cid kasto oo ay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed inay wanaajiyaan niyadda qofka shaqaalaha ah islamarkaana bixiyaan wax alla wixii xuquuq ah ee uu shaqaaluhu mutaystay. Munaasabadan darteed waa in loo istaago badbaadinta dhalinyarada soomaaliyeed ee iyaga oo nolol raadis ah badaha ku dhamaanaya loona sameeyo shaqo abuur si looga hortago dhibaatooyinka mar walba lasoo darsa xooggii uu dalkan ku tiirsanaa.

 

Waxaa isbaysigu uu soo jeedinayaa in la saxo khaladaadka ka jira siyaabaha loo qoro shaqaalaha dowladda oo aan waafaqsaneyn hannaanka shaqo qorista caalamka, iyadoo lagu qoro Shaqaalaha dowladda hab musuq maasuq ah oo la xiriirto nin jeclaysi iyo kooxeysi taasoo ah arrin niyad jab ku beereysaysa Shaqaalaha soomaaliyeed islamarkaana iska horkeeneysa umadda soomaaliyeed ee duruufaha adag ee colaadaha iyo abaaruhu ay saameeyeen.

 

Hay’adaha caalamiga ee dalka ka howlgala waxaan usoo jeedinaynaa inay u hoggaansamaan hannaanka shaqo qorista caalamiga oo ay iska daayaan inay shaqaaleeyaan dad ajanabi ah inta uu jiro qof soomaaliyeed oo qaban kara shaqada ay bixinayaan, waana inay xoogga saaraan shaqo siinta dadka soomaaliyeed ee gudaha wadanka ku nool si faqriga iyo shaqo la’aanta wax looga qabto.

 

Ugu dambeyn isbahaysigu wuxuu umadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay dalkooda maalgashadaan lana hormariyo waxsoosaarka dalka si shaqo abuur badan loo helo loogana gaajada iyo faqriga haysta in badan oo ka mid ah dadka soomaaliyeed. Guul waxaynu ku gaari karnaa inaga oo muruqeena maalno.

 

Wabilaahi Towfiiq

 

Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel

Guddoomiyaha Isbahaysiga

salaam bankbeco2tabarak