Xubnaha Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliyeed ee Puntland ayaa kasoo hor jeestey heshiiskii dhawaan ay ku kala saxiixdeen Dawladda federalka iyo dawlad goboleedka Puntland,waxeyna sheegeen in ay tahey mid aan la aqbali karin shacabka Puntlandna aan u cuntameyn.
Xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga oo uu u hadley mas’uul diidey in magaciisa la xigto arimo amni awgood ayaa sheegey in ay qaban qaabinayaan mudaharaad looga soo horjeedo arintaas ayna hada ku hawlanyihiin sidii shacabka punland aragtidooda usoo bandhigi lahaayeen si nabad ah.
Heshiiskan oo ay dawlada dhexe iyo maamulka puntland kala saxiixdeen ayaa dadka reer puntland inta badan diidanyihiin,wuxuuna kusoo beegmayaa xili dadka reer puntland ay isku raaceen in aaney marnaba qaadan waxna ku dooran nidaamka 4.5 oo ah kan hor taagan hurumarka dalka soomaaliya.
Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada puntland waxaan hadii alle idmo idinku soo gudbindoonaa shabakadda wararka soomaalieed ee warsom insha allaah.






