Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey wax loogu yeerey la dagaalanka argagixisada/yaa loola jeedaa argagixiso?.

0
524

Maamulada degmooyinka Mandera iyo Beled-xaawo ayaa ballan-qaaday – isla markaana hoosta ka xarriiqay in si wadajir ah ay uga shaqeyn doonaan ka hor-tagidda Weerarrada Argagixisanimo iyo fal-dambiyeedyada kale, Waa sida hadalka loo dhigaye.

Kulan ka dhacay gudaha Madheera oo ay labada dhinac ka Qayb-galeen ayaa lagu sheegay in dhinaca Somalia ay ogolyihiin in xal loo helo Mushkiladda Ammaan darro ee ka aloosan xadka labada degmo. Sidoo kale, Kulankaan oo Qayb ka ahaa siminaar ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha degmada Beled xaawo, Bile Hufood Ibraahim.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay mararka qaarkood kasoo gudbaan soohdinta kala qaybiya degmooyinka Mandheera-Kenya iyo Beled-xaawo oo ka tirsan Soomaaliya.

 

Ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Mandheera, David Mbevi ayaa isna sheegay in loo baahan yahay sidii ay maamullada labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab.