Taageerayaasha Xisbiga Aqlabiyadda Madaxtooyada Jabuuti ee UMP oo uu hoggaamiyo Musharraxa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku Muujiyay magaalada Tejoora Taageeradooda xisbiga, iyadoo ay si weyn ugu soo baxeen shacab fara badan oo ka mid ah dadka Degmadaas ku dhaqan, kuwaas oo si kal iyo laab ah ula dhacsan inay mar kale u codeeyaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Murashaxa UMP.
Isku-soo-baxaan bulshada degmada Tejoora oo shalay dhacay ayaa ka mid noqonaya kuwii ugu waa-weynaa ee ay dhawaanahan u sameeyaan xisbiga talada haya ee UMP, ayaa dadka reer Tejoora waxay kusoo bandhigeen dhaqanka iyo hiddaha ay gaarka u leeyihiin.
Qaar ka mid ah shacabka reer Tejeera oo aan dareenkooda waxay ku muujiyeen xaflada iyo hadallo kala duwan ay ka jeediyeen dibadbaxaan taageerada ah, iyadoo dadkii ka hadlay ay sheegeen inay taageerayaan xisbiga aqlabiyada Jabuuti UMP.
Fagaaraha Tejoora – oo ah magaalo lagu naynaaso magaalada cad – ayaa wuxuu midabkiisu isku bedelay Doog ama Cagaar oo ah astaanta Xisbiga UMP iyo Sawirrada Musharraxooda Ismaaciil Cumar Geelle, ahna Madaxweynaha xilliga haya talada dalka Jabuuti.
Musharaxa Xisbiga UMP, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii uu gaaray fagaaraha wuxuu dhex-maray shacabkii isugu soo baxay, Waxaana uu halkaas ku salaamay inta badan dadkii safafka ugu jiray soo dhaweynta inuu mar kale uu xafiiska ku soo noqdo.
Shacabka reer Jabuuti ayaa intooda badan waxay madaxweyne Geelle ku Ammaanaan inuu is-beddel la taaban karo ka sameeyay Jabuuti intii uu xilka hayay, taasoo ay ku sheegayaan inay tahay midda ay u doonayaan inuu mar kale xafiiska dib ugu soo laabto.
Ismaaciil Cumar Geelle oo isku-soo-baxan magaalada Tejoora ka hadlayay ayaa sheegay in uu ka jawaabayo dalabka shacabka Jabuuti ee ah – inuusan xafiiska ka tegin oo uu mar kale kusoo laabto, isagoo xusay in dadka Jabuuti ay doonayaan inay sii socdaan horumarrada uu dalku ku tallaabsanayo.
Ugu dambeyn, Xisbul Xaakimka waddanka Jabuuti ee UMP ayaa wuxuu u muuqdaa midka ugu taageerada badan axsaabta kale ee dalkaas, waxaana ay ku tartami doonaan doorashada madaxnimo ee dalka Jabuuti ka dhici doonta billowga bisha soo socota ee Abriil, 2016-ka.





