R/W soomaaliya iyo m/weynaha Puntland oo dhagax dhigey xarunta war faafinta kuna hawl geli doonta tinoolajiyada casriga ah ee ITC.

0
505

Madaxeynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo RW Soomaaliya, Cumer C/rishiid Cali Sharma’arke, ayaa Maanta si Wadajir ah u Dhagax-dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda warfaafinta Puntland.

Dhismahan ayaa noqon doono mid lagu dardar-gelin doono isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah (ICT); waxaana maal-gelinaya Bangiga Adduunka.

Madaxweynaha Puntland, Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in nidaamkani uu wax badan kusoo kordhin doono Nidaamka is-dhaafsiga Xogaha ee Wasaaradaha Puntland iyo weliba shirkadaha isgaarsiinta Puntland.

“Waa barnaamij wax badan ka beddeli doona aqoonta, is-dhaafsiga xogaha iyo isgaarsiinta, waa mashruuc leh wejiyo kala duwan oo hadda Wejigiisii 1-aad oo uu Bangiga Adduunku maal-gelinayo – aynu maanta dhagax-dhignay, Waxaana ku xigi doonaan mashaariic kale,” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas.
Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa uga mahad-cliayay RW Soomaaliya oo Xukuumadiisu door ku lahayd hirgelinta mashruucaan muhiimka u ah Puntland, Qaybna ka ah Deeqaha ay Somalia siiso Beesha Caalamka.

“Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid waxaan kaaga mahad-celinayaa inaad nagala soo qayb-gashid dhagax-dhigga mashruucan, qaybna aad ka ahaataan adiga iyo xukuumaddaada Hir-gelinta mashruucan oo runtii ah waxyaabihii ay Puntland ka filaysey Dowladda federaalku inay la qaybsato, isla markaana ay deeqaha loogu talo-galay Somalia ay Puntland ka hesho wixii ay xaqa u lahayd,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta Puntland iyo Wasiirka Boostada Somalia oo goob-joog ka ahaa dhax-dhigga xaruntan cusub, ayaa sheegay in Puntland iyo Soomaaliya ay ka wada faa’iideysan doonaan sidii lagu tala-galay.

RW Sharma’arke, oo dhiciniisa hadalka qaatay ayaa sheegay in ay waajib tahay in Somalia oo dhan lagu baahiyo deeqaha dowladda Soomaaliya ay ku caawiyaan Waddamada Beesha Calaamka.

Ugu dambeyntii RW Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland C.weli Gaas ayaa si wadajir ah u booqday dhaawac askartii Puntland ee la dagaaalamay Al-shabaab ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkaas oo lagu daweynayo Garoowe.

beco2