War saxaafadeed uu maanta soo saarey isbaheysiga xisbiyada siyaasadda soomaaliya oo uu kaga hadley qodobo dhawr ah.

0
516

War saxaafadeedkan uu soosaarey isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya ayaa waxa uu ka danbeeyey kulamo badan oo uu isbaheysigu ka yeeshey daruufaha qalafsan ee uu dalku marayo ee dhinacyada siyaasadda,ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidaas darteed isbaheysigu markuu tix geliyey baahida loo qabo ka hadalka arrimaha aan soo sheegney,markuu daraaseeyey sida duruufaha nololeed ee dalku usii adkaanayaan marba marka ka danbeysa iyadoo abaaro ba’an laga soo sheegayo qeybo badan oo dalka ka mid ah,markii ay soo baxdey in ay jiraan khaladaad la xiriira dhisidda maamul u sameynta  gobolada Hiiraan iyo SH/dhexe o qeyb ka ah arrimaha federaaleynta dalka, isla markaasna an la tixgelin rabitaanka shacabka iyo beelaha degen goboladaas,isbaheysiga CSPP wuxuu soo saarey qodobadda soo socda.

1 In xukuumaddu ka deyso faragelinta ay ku heyso shacabka degen goboladda Hiiraan iyo SH/dhexe ayna ku ekeeto wixii fududeyn ah ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta dhismaha maamulkaasi loogana baahanyahey in ay tix geliso rabitaanka shacabka sida dastuurku qabana ay dadku waxooda dhistaan.

2 Waxaa isbaheysigu ka xunyahey wixii shaley ka dhacey magaaladda B/weyne,taasoo aheyd in ciidamada dawlau xabadaeeyaan dad shacab ah oo muujinayey dareenkooda si nabad gelyo ah anagoo alle uga baryeyna bogsiino intii ku dhaawacantey.

3 Isbaheysigu wuxuu ka xunyahey daruufaha amni ee uu dalku marayo,waxaana muuqata in xukuumaddu ka gaabisey ilaalinta nabadgelyada dalka iyo nolosha muwaadinka soomaaliyeed taasoo caqabad ku noqoneysa in la gaaro wixii la higsanayey waqtigan kala guurka ah.

4 I sbaheysiga xisbiyada siyaasadda soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in xukuumaddu ay bixiso mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawlada,taasoo wax ka tari doonta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

5 Isbaheysigu wuxuu soo dhaweynayaa war murtiyeed kasoo baxey qaramada midoobey 25ka bishan kaso la xiriirey inaan kororsiimo lagu sameyn karin mudo xileedka hey’adaha dawladda.

6 Isbaheysiga CSPP wuxuu ka xunyahey Abaaraha dalka ka jira iyadoo xukuumadu ka gaabisey wax ka qabadka iyo u gurmashada dadka dhibaateysan annagoo xukuumadda ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah shacabka ula gaarto kaalmo wax ku ool ah.

7 Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa hey’adaha caalamiga ah in ay gacan ka geystaan sidii dadkaas abaaruhu wax yeeleeyeen ay kaalmo u gaarsiin lahaayeen.

8 Ugu danbeyntiina isbaheysigu wuxuu shacabka soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay alle u noqdaan oo ay rabi tuug roobdoon ah sameeyaan.

War saxaa fadeedka ayaa waxaa ku saxiixnaa gud. kuxigeenka 1’aad ee isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya

Cali Maxamed Nuux timajilic.

beco2