Hawl galo ay sheegeen in jubaland ka sameysey duleedka Kismaayo oo guulo ay ku sheegteen dagaal AL-shabaab ay la galeen.

0
592

Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa sheegay in howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen duleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo ay ku bartilmaameedsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayeen deegaano  hoostaga degmada Kismaayo islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max’uud Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerar culus ay shalay gelinkii danbe ku qaadeen deegaanka Buuloxaaji oo qiyaastii 90 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena ay dhaawaceen gudoomiyihii deegaanka Buuloxaaji ee Al-shabaab.

“Gudoomiyihii Buulo Xaaji Xasan Cadde nin la yiraahdo ayuu dhaawac  culus kasoo gaaray howlgalkii shalay,” ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubaland ay ka soconayaan qorsheyaal ay madaxda Jubaland ku doonayaan in ku weeraraan goobaha ay Al-shabaab uga sugantahay Jubooyinka.

beco2