Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda soomaaliya oo ka kooban 26 xisbi siyaasadeed uuna shir gudoominayey gudoomiyaha isbabheysiga Siciid Jaamac Qorshel ayaa waxaa lagaga hadley qodobo badan oo la xiriira siyaasadda iyo arrimaha Amniga dalka.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxey xubnaha Isbaheysigu isku raaceen hal meelna ka wada istaageen qodobada soo socda:-
1 In la dardar geliyo hawlaha isbaheysiga iyo kuwa xisbiyada uu ka koobanyahey isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya.
2 In dalka ay ka jirto habacsanaan siyaasadeed iyo mid amni isla markaasna aysan muuqan ku talo gal xiliga kala guurka ah oo bilo yar ka hartey,shacabka soomaaliyeed iyo Isbaheysiga xisbiyaduna u arkaan in aan la fulineyn go’aanndii qaran ee hore u soo baxey sida shirarkii Muqdisho iyo kismaayo.
3 In ay jirto amni daro baahsan iyo colaado kasoo cusboonaadey meelo badan oo shaley amni ka jirey taasoo u muuqata in colaadaha qaarkood ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo lagu rabo muddo kororsi aan cidina aqbali karin.
Waxaana shirka oo ay goob joog ahaayeen madaxda xisbiyada uu isbaheysigu ka koobanyahey iyo gudoonka isbaheysigu ay ugu baaqeen beesha caalamka iyo wax garadka soomaaliyeedba in ay isha ku hayaan dhacdooyinka waqtigan dalka soomaaliya ka socda.
Ugudanbeyntiina waxaa shacabka soomaaliyeed loogu baaqey in ay isu gurmadaan gacana ka geystaan Abaaro ba’an oo gobolada dalka qaarkood ka jira allena la baryo ee aysan cid kale sugin,iyadoo shirku kusoo dhamaadey jawi hagaagsan iyo is af garad.





